Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, safar ugu maqna dalka dibadiisa ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Garoowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaarada ee Garoowe kusoo dhoweeyay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal , Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.