Madaxweynaha Hirshabelle oo Kormeeray Xaafadaha Degmada Cadalle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer socod ah ku maray xaafada Degmada Cadale.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ugu kuurgalayay xaaladaha bulsho iyo tan amni isagoo booqday goobaha ganacsiga iyo suuqa malaayga.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn socod ku maray Xeebta Degmada Cadale halkaas oo uu waqti kula soo qaatay Xubnaha labada gole ee Dowlada Hirshabeelle Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada saraakiisha ciidan qalabka sida iyo qaar kamid ah Bulshada degmad.