Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo gaaray Degmada taariikhiga ah ee Cadale.

Madaxweynaha oo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ay isugu jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal, xubno labada gole ee Dowlada Hirshabeelle Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Saraakiil iyo Marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo Maamulka Degamada Cadale.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo degmada cadale waxauu kalamo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cadale.