Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubaland oo Kullan la qaatay Xubno kasocda Hay’ada Bisha Cas

Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland iyo Hay’adda Bisha Cas Ee Turkiga Ayaa Kawada hadlay Qeybinta Deeq Xoolo Nool ah oo ay hay’addu ugu talagashay in la udxiyeeyo kadibna loo qeybiyo dadka danta yar ee ku nool Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha, federaalka iyo Dib u heshiisiinya Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdigan ka socday hay’adda bisha cas ee Turkiga.

Kulanka Waxaa wasiirka ku wehlinayay Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha, federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee dagmada Kismaayo.