Soomaaliland oo ka hadashay Dagaal ka dhacay Gobolka Sool.

Guddoomiyaha Gobolka Sool, ee Soomaaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa ka hadalay Dagaal labo maleeshiyeed ku dhexmarayay degaanka Horufadhi ee Gobolka Sool, Waxaana uu sheegay in dagaalkaas uu yahay mid cawaaqim-xumo iyo caqabad ku ah dedaalladii nabadeynta ee socday.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhamaan Maamulka iyo shacabka Gobolka Sool ay aad uga xunyihiin Dagaalkaasi kasoo cusboonaayay Degmada Horufadhi, isagoona tilmaamay in dhibaato bulsheed uu keeni karo, waxaana arrintaasi uu ku sheegay inay dhaawici karto dadaalo ay wadeen Odayaasha Degmada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Sool, ee Soomaaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood iyo bulshada ay kasoo jeedaan, isagoona sheegay in wanaagsan tahay in wax walba lagu xaliyo Wadahadal iyo is qadarin.

Dagaalkan dhexmaray labadan maleeshiyeed ayaa waxa uu geestay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ee Dagaalamay kala gaaray.