Meydka Gabadh si arxan darro ah loo dilay oo lagu arkay Qeybo kamid ah Galmudug

Caaisha Maxamed Shanle oo muddo 15 maalmood ah ay ehelkeedu baadi goobayeen ayaa saakay maydkeeda lahelay.

Ehelka Caaisha ayaa sheegay in maydka gabadhooda laga helay deegaanka “Cayn” oo qiyaastii 15-KM u jira magaalada Godin-labe.

“Gacmaha iyo lugaha ayaa laga xiray, waana la bireeyay, rag dhagax qodanayay ayey wax u soo ureen markii ay u tageenna waxay arkeen maydka oo geed lagu dhex riday” ayey igu tiri mid kamid ah qoyska Caaisha.

Waxaa kale oo ay sheegeen ehelka gabadhan in habaryarteed oo ay la noolayd looga shakiyay in ay falkan gaysatay.

Qoska ayaa intaa ii raaciyay in ay haweenayda laga shakisanyahay, gabadhan yar u wadday deegaanka meesha lugu bireeyay, dhowr mar oo horena ay ka sheegatay gabadhan yar.

Caaisha Maxamed Shanle waxay ahayd 11 sano jir ku noolayd deegaan miyi ah oo Firxad la yiraado oo hoos taga magaalada Gidin-labe ee gobolka Galguduud, waxaana la waayay 22-kii bishii June.