Kullan u dhaxeeyay Wasaarada Maaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo ka qabsoomay Muqdisho

Kullan ay ka qeyb galeen Wasiirada Maaliyada Dowlad Goboleedyada iyo Wasiirka Maaliyada Xukuuumada Federalka ah ee Soomaali iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka aya waxaa looga hadlay sidii looga gudbi lahaa hoos u dhaca dhaqaale ee uu keenay Cudurka COVID-19 ee dunida saameenta ku yeeshay Soomaaliyana ay qeyb ka tahay.

“Waxaa maanta inoo qabsoomay shirkii Billaha ahaa ee Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federal ka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolada Banaadir. ayuu Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

“Kulankaan waxa aan kaga hadalnay arimo ay ka midyihiin geedi Socodka Cashuuraha iyo qaabka aan ugu gudbi karno hoos u dhaca dakhliga dalka oo uu sababay Covid-19” ayuu i9ntaasi sii raaciyay.

kullanka ayaa ku qabsoomay hadka Maqalka iyo Muuqaalka ee loo yaqaano Video Conference.