RW ku-xigeenka dalka oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarumaha Wasaaradda Qorsheynta iyo xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta xariga ka jaray xarumo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.

Dhismahan cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaa hirgeliyay Dowladda Qatar.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xarigga ka jaray xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.
Ra’isal Wasaare ku-xigeenka JFS ayaa sheegay in talaabada lagu howlgaliyay nidaamka bixiya digniinta halis-wadareedka ay tahay guul u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in hirgalinta xaruntan ay wax weyn ka tareyso yareynta saameynta musiibooyinka ku yeeshaan goballada iyo degmooyinka dalka.