Xeerka Asteenta Kuraasta oo la ansixiyay.

0
16

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka degaameynta kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

144 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo xeerka degaameynta kuraasta Baarlamaanka, waxaa ka aamustay 4 Mudane, isla markaana waxaa diiday 2 Xildhibaan oo kaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta xeerka, wuxuuna ugu dambeyn shaaciyay inuu xeerka, sidaas ansax uu ku yahay.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa habennimadii Xalay kulan ka yeeshay go’aanka laga gaarayo murano ka taagnaa Asteynta kuraasta deegaanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaanada kuraasta ay ku fadhiyaan loo madax banaaneeyay in halka ay rabaan geysan karaan, hayeeshee shuruud looga dhigay in uusan bixin Xildhibaanka Maamul Goboleedkii marka hore laga soo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here