Qof shacab ah oo lagu dilay Magaalada dhuusamareeb.

0
9

Wararka ka imaanaya Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu ruux shacab ah.

Arkari ka tirsan ciidamada Booliska ee ka howlgala dhuusamareeb ayaa lagu soo waramayaa inuu dilkaasi geestay.

Dad kusugan dhuusamareeb waxa ay sheegayaan in dilka uu yimid kadib markii ay wada murmeen, Askariga dilka geestay iyo Qofka shacabka ahaa ee ladilay, dilka ayaana ka dhacay Xaafadda Waabari oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Booliska ee Magaalada dhuusamareeb ayaa wada howlgal ay ku baadi goobayan Askarigii dilka geestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here