Muddo sedex bilool ah oo lagu kordhiyay xiliga lagu soo dhisayo Golaha Wasiirada Jubaland.

0
10

Mudaneyaasha baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta isugu yimid Kalfadhigii 2-aad fadhigiisii 9-aad oo ay soo xaadireen 43 xildhibaan ayaa ka doodaya arrimo ku saabsan doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan dalka, shirka uu ku baaqay madaxweynaha Jumhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Iyadoo uu socdo weli uu socdo shirka ayaa ajandaha looga doodayo waxaa kamid ah;

  • Muddo kordhinta soo dhisidda xukuumadda dowlad goboleedka Jubbaland
  • Ilaalinta dastuurka federaalka Soomaaliya
  • Arrimaha doorashooyinka
  • Kuraasta laga wareejiyay deegaan doorashadoodii iyo weliba shirka uu ku baaqay        madaxweynaha

Warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in Baarlamanka muddo sedex bilood ah ugu dareen Madaxweynaha Jubbaland xilliga uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirrada Maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here