Laba xubnood oo Komishanka Doorashooyinka Soomaaliland oo la dhaariyay.

0
10

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyey labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka Xukuumada Soomaaliland oo ka kala socday Xisbiyada Ucid Iyo Waddani.

Waxaana madasha dhaartu ka dhacday goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, gudoomiyeyaasha xisbiyada Ucid iyo Waddani, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe), Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), iyadoo dhaartani ay sidaa ku soo afjaridoonto lagana gudbidoono caqabadihii hortaagnaa xubnaha komishanka doorashooyinka Soomaaliland oo is qabqabsi uu ka jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here