Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiillada oo dalbaday in Dacwad lagu soo oogo Feysal Cali Waraabe.

0
9

Guddida joogta ah ee Golaha Wakiillada Soomaaliland ayaa sheegay in Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe uu yahay shaqsi aan lagu aamini karin Mas’uuliyada xukuumada Soomaaliland.

Guddiga oo Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiillada Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa iyagoo daliishanaya Qodobbo ka mid ah Dastuurka waxay sheegeen inuu Guddoomiyuhu u gefay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Soomaaliland ee laga soo doorto Gobollada bariga Soomaaliland, sidasi darteedna ay soo jeedinayaan in xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland inuu kusoo oogo eedaymo la xiiriira Kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano oo uu wajihi karo Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe.
dhankiis aweli wax war ah oo kasoo baxay Ma jiro uu arrintaan uu kaga ahadlayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here