Bangiga Aduunka oo meel mariyey $ 40 Milyan oo Lagu Taageerayo Soomaaliya

0
11

Agaasimayaasha Bangiga Adduunka ayaa oggolaatay deeq $ 40 milyan oo ah Kaalmo Horumarineed oo Caalamiga ah (IDA) oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah, kaas oo ladoonayo inuu wax ka qabto khatarta ka dhasha ayaxa iyo xoojinta nidaamyada u diyaarsanaanta dalalka dhibaatadu ka jirto.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxman Ducale Beyle ayaa sheegay in Banka aduunka uu Soomaaliya u ogolaaday lacag dhan $ 40 milyan oo ah Kaalmo Horumarineed taasi oo wax looga qaban doono dhibaatooyinka Anyaxa uu ku hayo deegaankeena.

Duulaanka Anyaxa wuxuu saameyn xoog leh ku yeeshay hab nololeedkii ugu yaraan 2.6 milyan oo ku nool afartan iyo saddex degmo oo ka tirsan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here