Puntland oo dhalooyin Khamri ah ku soo bandhigtay Gobolka Bari

0
9

Taliyaha Qeybta Booliska Goblka Bari ayaa ku sugnaa goob Maanta lagu burburiyay Dhalooyin Khamri ah Oo Ciidamada Booliska Gobalka Bari ay soo dhigeen.
Dhalooyinkan Khamriga ah ayaa ahaa kuwo aad u farabadan Waxaana lagu soo qabtay howlgal Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen Gobolka Bari.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Calli Maxamuud ayaa hegay in ay marwalba ka hortegi doonaan wax walba oo lagu dhibaateeynaayo Bulshada Gobalka Bari.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu digniin u diray dadka ka Ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaha Khamriga ee inta badan soo geliya Magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here