Soo dhoweynta Madaxweyne Qoor qoor oo laga dareemayo Magaalada Caabudwaaq.

0
7

Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa kasocda qabanqaabada soo dhoweynta Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

shacab aad u farabadan ayaa isugu soo baxay Fagaaraha garoonka diyaaradaha Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgalduud, iyagoo halkaasi u taagan in soo dhoweeyaan Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa la filayaa marka uu halkaasi tago in kullamo la qaato Mas’uuliyiinta Degmada iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladaasi, Waxaana uu kala hadli doonaa sidii loo Amba qaadi lahaa Howlaha Muhiimka ah ee Magaaalada Caabudwaaq.

Deegaanada Maamulka Galmudug ayaa Waxaa kasocda dadaalo lagu doonaayo in dib u dhis loogu sameeyo xarumaha kala duwan ee uu ku shaqeeyo Maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here