Iiraan oo soo saartay warqad lagu soo xitayo Trump.

0
10

Dowlada Iran ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donal Tramp.
Iiran ayaa Booliska Interpol ka codsatay inay gacan ka geysato xiritaanka madaxweyne Donald Trump iyo Mas’uuliyiin kale oo ay rumeysan tahay inay fuliyeen duqeyntii diyaaradaha ee lagu dilay jeneraal sare oo reer Iiraan ah.

Xeer ilaaliyaha Tehran Ali Alqasimehr ayaa Isniintii sheegay in Trump iyo inka badan 30 kale oo Iran ay ku eedeeysay inay ku lug lahaayeen weerarkii 3-dii Janaayo lagu dilay General Qasim Suleymaani.
Mareykanka ayaa sheegay inuu Duqeyn ku dilay Jeneral Suleymani oo maamuli jiray guutada ciidamada kacaanka ee Quddus iyo kuwa kale, weerarkii Janaayo dhacay ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baqdad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here