Golaha wakiilada Puntland oo soo saaray Qodobo dhowr ah.

0
12

Baarlamaanka Puntlanad ayaa War murtiyeed kasoo saaray Matalaadii Gobolka Banaadir ee Maalmo ka hor ay meelmariyeen Golaha shacabka iyo Arimaha doorashada.

Kulan ay Maanta Xildhibaannada Puntland ku yeesheen magaalada garoowe ayaa waxaa ay kasoo saareen War-Saxaafadeedka ka kooban ilaa iyo 13 qodob , iyaga oo ku sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin Xeerarka doorashadooyinka oo ay ansixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

sidoo kale Golaha wakiilada Puntland ayaa kasoo horjeestay 13ka Xubnood ee Maamulka Gobolka Banaadir laga siiyay Aqalka Sare, iyaga oo sidoo kale sheegay in hadal-jeedintii guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee doorasjooyinka ay u muuqatay mid Guddiga uu ku fashilmay Shaqooyinkii loo xilsaaray sida Baarlaanka ay shaaciyeen.

Golaha wakiilada Puntland ayaa sidoo kale sheegeen inay aaminsan yihiin in Gobolada Banaadir, Sool iyo Sanaag ay xaq u leeyihiin inay helaan matalaada Aqalka sare,iyada oo loo marayo hab raacsan dastuurka dalka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha wakiilada Puntland oo aad u dheer ayaa waxaa loogu baaqay Xukuumadda Puntland in aysan ka qeyb-gelin Shika uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo,waxaana sidoo kale ay sheegeen in Puntland ay qaadaneyso Go’aan  kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here