baarlamaaanka soomaaliya oo kulan yeeshay maxeey uga doodeen…………

0
8

Kulanka Xildhibanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Maanta yeeshay kulan waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal shiikh C/raxmaan waxaana soo xaadiray  156 Mudane.

Ajendaha Kulanka Ayaa ahaa

1.Ka Doodista Xeerka Qoondada Haweenka
2.Qeybinta Xeeerka Qoondada Ku Noqashada Miisaaniyadda 2020-ka
3.Dib U Qeybinta Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda
4.Dib U Qeybinta Hindise-sharciyeedka Socdaalka (Immagrstion Bill).

Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin 132 Xildhibaan.
Mooshinka ayaa la xiriira in kuraasta xildhibaanada haweenka ah ay ku leeyihiin labada aqal ee Baarlamaanka ay ku tartamaan doorashada soo socota keliya haween si loo xaqiijiyo qoondada haweenka.

islamarkaana aan la isku darin kuraasta haweenka iyo raga ee labada aqal  ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqrisay mooshinka ay gudbiyeen Maanta

Xildhibaanada ayaa sidoo kale si weyn uga dooday Xeerka Qoondada Haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here