Ciidamo Katirsan Xooga Dalka ayaa kala dhexgalay beelo kudagaalamayay Deegaani kudhow Maxaas.

0
120

Ciidamo ka tirsan xoogga Dalka gaar ahaan talisyada 21-aad iyo 27-aad ayaa gaaray deegaano Katirsan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo dhowaan ay kudagaalameen Maleeshiyo beeleed Deegaanka wada deegsansada.

Ciidamada ayaa Fariisimo kasameystay halka ay dirirta kajirto oo ah Deegaanada Xagar iyo Laancaadeed oo labadaba hoostaga Maxaaas.

Ciidamada Xooga waxaa wehlinaya Ciidamada Nabadsugida waxaana Ciidanka isku dhafta ah hogaaminayay Sareeyo Guuto Mascuud Maxamed warsame.

Xaalada amaan ee deegaanka ayaa lagu soo waramayaa iney aad u degentahay maadaama maleeshiyada ay kukala dhex jiraan Ciidamada xooga iyo kuwa Nabadsugida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here