Paul Scholes oo shaaca ka qaaday kooxda kaliya ee u muujisay xiiso dhab ah si ay ula saxiixato……………………………………..

0
25

Halyeeyga reer England iyo kooxda kubadda cagta Manchester United ee Paul Scholes ayaa shaaca ka qaaday in Inter Milan ay tahay naadiga kaliya ee u muujisay xiiso dhab ah si ay ula saxiixato.

Paul Scholes ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed oo dhan la qaatay kooxda Manchester United, ee uu ku soo qaatay waayo qurux badan.

Haddaba Scholes ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee BBC-da wuxuu ku sheegay:

“Waligey ma ogeyn inay jirto koox ka shaqeeneysa inay qandaraas ila gasho, laakiin waxaa i soo wacay Brian Robson oo ahaa wakiilkeygii hore, inta lagu gudi jiray koobkii qaramada Yurub ee 2000, wuxuuna ii shiigay haddii aan xiiseyanayo u dhaqaaqista Inter Milan, kani wuxuu ahaa wicitaankii keliya ee taleefan ah ee ku saabsan inaan u dhaqaaqo koox kale.”

“Ma aanan maqal wax horumar ah ee ku saabsan arrintan wixii intaas ka dambeeyay, waxaan u ciyaarayay kooxdii carruurnimadeyda, waxaan ahaa wiil Manchester ah, waxaana ku guuleysan jirnay koobab mar walba”.

“Haddii ay dhici laheyd in tababaraha uu ii sheego in uusan i rabin, xaqiiqdii waxaan u dhaqaaqi lahaa koox weyn ee i dooneysa isla markaana banaanka ah, kuma fekeraynin inaan u ciyaaro waqtigaas Barcelona, ​​Real Madrid ama Milan, sababtoo ah waxaan joogay kooxda ugu weyn adduunka xaalad kasta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here